Waaxda Qorshaynta, Kormeerka iyo qiimaynta
Waaxda Qorshaynta, Kormeerka iyo qiimaynta waxay u xil-saaran tahay fulinta howlaha ku saabsan:
1. Xoojinta xiriirka iyo wada shaqeeynta Hay’adaha qorsheynta Qaranka.
2- Faahfaahinta qorshaha Wasaaradda uga aadan qorsha guud ee Qaranka
3- Qiimeeynta iyo hubinta habsami u hirgelinta waaxyaha Wasaaradda qorshaha heer qaran iyo xeer Wasaaradeed.
4- Diyaarinta dukumeentiyada mashaariicda horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka dalka.
5- Kormeerka iyo la socodka Mashaariicda horumarineed ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka.
6- Isku-dubaridka habraaca qorshaynta iyo miisaaniyada iyadoo la hubinayo in dhamaan qorshayaasha, barnaamijyada iyo siyaasadaha la waafajiyo Qorshaynta Qaranka iyo Qaab-dhismeedka Siyaasada ee wasaaradda.
7- Hagidda dejinta, naqshadeynta iyo hirgalinta qorshayaasha, yoolalka, ahdaafta, halbeegyada/howlaha, istarataatiijiyadda, hindisayaasha (proposals), mashaariicda, iyo qorshaha kobcinta dakhliga Wasaaradda.
8- Taageeridda Waaxyaha xilliga dejinta qorshaha, falanqaynta iyo dib u eegista iyo ururinta xogta nidaamka tirakoobka ee Wasaaradda, falanqaynta, faafinta iyo kaydinta xogta iyo warbixinada.
Waajibaadka Madaxa Qeybta Qorsheynta:
1. Qiimeynta baahida guud ee wasaaradda si loo helo xog sax ah
2. Diyaarinta Qorshaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshisiinta
3. La socodka iyo ku shaqeynta Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalaad (QHQ9)
4. Kormeerka iyo Qiimeynta Qorshe howleedka Wasaaradda ee sanadlaha ah
5. Jawaab celin marka ay yimaadaan su’aalo la xiriir waxqabadkii qorshe howleedkii sanadlaha ahaa ee wasaaradda wixii ka qabsoomay.
Waajibaadka Madaxa Qeybta Tababarada
1. La socodka baahida tababarada ee shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha u baahan yihiin
2. Diyaarinta tababarada gudaha iyo dibadda
3. Qiimeynta iyo kor u qaadista baahida xirfadeed ee shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha ay u baahan yihiin
4. Diyaarinta tababaro joogta ah, si loo kobciyo aqoonta shaqaalaha wasaaradda

