Machadka Qaran Horumarinta Dowladaha Hoose
Machadka Qaran ee horumarinta Dawladaha Hoose (NGLI), waxaa la aasaasay sanadkii 2015, waxaa uuna ka mid yahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Machadkan, waa qorshe qaran oo kor loogu qaadayo, laguna awoodsiinayo tababarrada iyo tayaynta heerarka kala duwan ee dowladaha hoose qaybahooda ku yimid doorashada iyo howlwadeennada ka shaqeeya dowlaha hoose .
Si taasi loo gaarana, xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya (XFS) gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshisiinta waxaa ay ka shaqaysay sidii loo hormarin lahaa loona gaari lahaa yoolalka awood siineed ee Dowlada hoose, taas oo keentay in la aasaaso Machadka Qaran ee horumarinta dowlaha hoose.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MOIFAR) oo ka tirsan wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, waxaa loo igmaday inay hoggaamiso, hormarisana dhammaan siyaasadaha iyo habraacyada dhaqangelinta ee khuseeya ee Machadka Dawladaha Hoose ee Qaranka (NGLI) iyo sidoo kale hubinta hay’adeynta, isku-dubbaridka iyo jaan-goynta qorshayaasha kala duwan ee tababarrada ee dawladaha hoose ee dalka oo dhan.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa wada shaqayn dhow iyo dadaal wadajir ah oo lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir iyo sidoo kale taageerada la-hawlgalayaasha fulinta (UN-JPLG), Machadka waxaa ku howlan yahay bixinta barnaamijyo tababar oo la isku dubariday oo midaysan masuuliyiinta dawladda hoose, kuwa farsamada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee la soo doortay iyo sidoo kale daneeyayaasha kale ee ay khusayso.
Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose, Ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah:
Bixinta tababarro lagu buuxiyo baahiyada dowladaha hoose, iskaashi, kordhinta fahamka dowladaha hoose iyo in la horumariyo oo la joogteeyo maamul iyo nidaam maamul oo tayo leh iyo tas-hiilaad hawleed.
Howlahan, si ay u fulaan waxaa ka shaqeyn doona guddiga sare ee Maamulka Machadka Qaran oo ka sideed xubnood gaar ahaan xubnaha fulinta oo agaasimaha guud machadka Qaran hormuud ka yahay.