Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda
Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa ay ka mid tahay 11 Waaxood ee Wasaaradda, oo muhiim u ah hirgelinta howlaha iyo mashaariicda waaxda sida waafaqsan Mandate-ka iyo Waajibaadka Wasaaradda.
Ujeedooyinka
1. Ka kaalmaynta dhammaan waaxaha iyo Xafiisyada Wasaaradda wixii adeeg maamul la xiriira.
2. Fulinta dhammaan xeerarka maaliyadeed iyo hagayaasha, si ay gacan uga gaysato gaarida yoolasha Wasaaraddu leedahay.
3. Samaynta iyo maamulida kutalagal-ka waaxaha (Departmental Budget) iyo Mashaariicda Wasaaradda
4. Ka shaqaynta sidii si hufan looggu adeegsan lahaa khayraad-ka (Resources) kala duwan ee waaxaha, haday tahay agab, dad, lacag, gaadiid iyo guryaba.
5. Gacan siinta xafiiska/Hay’adaha adeegyada baarista iyo xakamaynta gudaha, dhammaam diiwaanada/waraaqaha ay u baahdaan, iyadoo lagala tashanayo madaxda sare ee Wasaaradda.
6. wada shaqaynta, hal abuurka, iyo dhiirigalinta shaqaalaha.
Waajibaadka:
1. Hirgelinta dhamaan howlaha iyo waxqabadka waaxda si waafaqsan qorshe howleedka Wasaaradda;
2. Diyaarinta warbixinno bille ah oo ku saabsan waxqabadka shaqaalaha iyo Waaxda oo lala wadaago agaasimaha Guud;
3. Sharci-marsiinta hanaanka miisaaniyada Wasaaradda iyo hirgelinteeda;
4. Diyaarinta Qorshaha iibka ee sanadlaha (Annual Procurement plan) si la isu waafajiyo khayraad-ka (Resources) Wasaaradda iyo Shaqooyinka horyaala.
5. Gudbinta dhamaan dakhliga iyo kharashka Wasaaradda iyo howlaha la xiriira, warbixinada ay u baahan tahay Wasaaradda Maaliyada iyo Xafiiska Agaasimaha Guud;
6. Diyaarinta iyo soo bandhigida warbixinta dakhliga iyo kharaska baxay ee Wasaaradda sida ay codsan karaan Hay’adaha kale ee Dowladda Sida Wasaaradda Maaliyada iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka;
7. Xoojinta xiriirka wada-shaqeynta Wasaaraddu la leedahay hayadaha kale ee dowladda iyo kuwa caalamliga ah ee wadashaqeynta kala dhaxeyso Wasaaradda ayadoo la kaashanaya Agaasimaha Guud;
8. Qabashada iyo abaabulka madalada, kal-fadhiyada iyo shirarka ee looga arrinsanayo arrimaha quseeya Wasaaradda ;
9. Bixinta iyo maareynta ruqsadaha goobaha gawaarida la dhigo ee uga cayiman dhismaha gudaha Wasaaradda;
10. Maamulka iyo kormeerka amniga Wasaaradda;
11. Dayactirka dhismaha Wasaaradda iyo agabkeeda, oo ay ku jiraan macluumaadka, isgaarsiinta, iyo tiknoolajiyada (ICT);
12. Maareynta nadaafada xarunta iyo xafiisyada Wasaaradda;
13. Maareynta bakhaarka iyo tirakoobka aaladaha iyo agabka Wasaaradda;
14. Maareynta lacagaha gacan-ku-qabsadka ee arrimaha degdega iyo habeynta nidaamka ay ku
15. baxayaan;
16. Bixinta mushaarka shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo kunturaadleyaasha iyo kharashaadka soo noqnoqda;
17. Sameynta diiwaanka shaqaalaha Wasaaradda, ugudbinta maamulka sare warbixinno oo ay ku jiraan wixii iska badalay macluumaadka;
18. Ka jawaabista Baahiyada Joogtada ee shaqada lagama maarmaanka u ah.
19. Dhowrista , ka warqabka, iyo Hagaajinta Hantida Wasaaradda
20. Dhaqan-gelinta Shuruuca la xiriira Maamulka Maaliyadda ee dalka iyo kuwa caalamiga ah Iyo hirgelinta awaamirta kale ee ka soo baxda xafiiska maamulka sare ee Wasaaradda.