Waaxda Qorshaynta, Kormeerka iyo qiimaynta

Waaxda Qorshaynta, Kormeerka iyo qiimaynta waxay u xil-saaran tahay fulinta howlaha ku saabsan:

1- Xoojinta xiriirka iyo wada shaqeeynta Hay’adaha qorsheynta Qaranka.

2- Faahfaahinta qorshaha Wasaaradda uga aadan qorsha guud ee Qaranka

3- Qiimeeynta iyo hubinta habsami u hirgelinta waaxyaha Wasaaradda qorshaha heer qaran iyo xeer Wasaaradeed.

4- Diyaarinta dukumeentiyada mashaariicda horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka dalka.

5- Kormeerka iyo la socodka Mashaariicda horumarineed ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka.

6- Isku-dubaridka habraaca qorshaynta iyo miisaaniyada iyadoo la hubinayo in dhamaan qorshayaasha, barnaamijyada iyo siyaasadaha la waafajiyo Qorshaynta Qaranka iyo Qaab-dhismeedka Siyaasada ee wasaaradda.

7- Hagidda dejinta, naqshadeynta iyo hirgalinta qorshayaasha, yoolalka, ahdaafta, halbeegyada/howlaha, istarataatiijiyadda, hindisayaasha (proposals), mashaariicda, iyo qorshaha kobcinta dakhliga Wasaaradda.

8- Taageeridda Waaxyaha xilliga dejinta qorshaha, falanqaynta iyo dib u eegista iyo ururinta xogta nidaamka tirakoobka ee Wasaaradda, falanqaynta, faafinta iyo kaydinta xogta iyo warbixinada.