Waaxda Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada
Soomaaliya waa dal federaal ah, hirgelinta nidaamka federaalka ah iyo baahintiisa waa mas’uuliyadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Baaqa Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya:
Sida uu qabo dastuurka qodobkiisa 1-daa, Soomaaliya waa:
1. Jamhuuriyad federaal ah.
2. Dimiqraadi ah, ku dhisan mataladda dadweyaha, loo dhan ahay.
3. Kusaleysan nidaamta axsabta badan.
4. Awodda oo dhan waxaa leh shacabka.
5. Gobannimada iyo midimada JFS waa lagama xadgubaan.
Madaama wasaarada ay u igmantahay federaalaynta dalka waxay abuurtay Waaxda Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada taas oo u xilsaaran howlaha hirgalinta siyaasadaha dowlada ee fedearaalka.
Waaxda Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyadu waxay ka mid tahay waaxyaha ugu balaaran, tiir-dhexaadkana u ah Wasaaradda, kana mid ah Waajibaadka ugu muhiimsan ee Wasaaradda. Waaxdu waxay leedahay 4 qaybood oo mid walba leedahay madaxqaybeedkeeda.
Waajibaadka Waaxda waxaa ka mid ah:
- Fulinta siyaasadda iyo qorshaha Wasaaradda gaar ahaan hawlaha uga aadan waaxda.
- Hirgelinta dhammaan hawlaha iyo waxqabadka waaxda si waafaqsan qorsha howleedka Guud ee Wasaaradda.
- Ilaalinta siyaasadaha, hannaanka iyo habsami u socodka shaqo ee u degan Wasaaradda iyadoo la tixgelinaayo kala saraynta iyo kala baxsanaanto shaqo.
- Ilaalinta hantida , xogta iyo agabka Wasaaradda ee Waaxda yaala.
- La-shaqaynta iyo isku-xirnaanta Waaxyaha kale ee Wasaaradda si loo fuliyo shaqa midaysan oo miradhal ah.
- Diyaarinta iyo hirgalinta shaqo sanadeedka waaxda.
- Qabashada kulan hawleedyada xilliyaysan iyo kala jiheynta shaqaalaha waaxda.
- Diyaarinta warbixin bille ah ee waaxda iyo qiimaynta waxqabadka xilliyaysan ee shaqaalaha una soo gudbiyo Agaasimaha Guud;
- Wacyigelinta hannaanka Federaaleynta Dalka.
- Astaynta Awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda.
- Xoojinta Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo ka warqabkooda.
- Hirgelinta Xiriirka Heerarka Dowladda (IGR)
- Dimuqraadiyeen iyo taakulaynta hawlaha doorashooyinka ee heerarka kala duwan ee dowladda.
- Diyaarinta Siyaasadaha iyo Shuruucda la xiriira arrimaha Federaalka, Doorashooyinka iyo Xisbiyada.