Waaxda Dowladaha Hoose
Xilka iyo Waajibaadka Guud ee Waaxda Horumarinta Dowladaha Hoose & Maamul Baahinta:
- Waaxdu waxay mas’uul ka tahay hirgalinta siyaasadda Wasaaradda ee khuseeya arrimaha Horumarinta Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta iyo Xasilinta.
- Diyaarinta, talo aruurinta iyo ka talo bixinta shuruucda iyo siyaasadaha la xiriiraha arrimaha Horumarinta Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta iyo Xasilinta.
- Ka Gacansiinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada dhismaha golayaasha deegaanka, Horumarinta Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta iyo Xasilinta.
- Qabashada Kulanka Qaran ee Isku-duwida Dowladaha Hoose ee dalka
- Qabashada Kulanka Qaran ee Isku-duwida Arrimaha Xasilinta ee dalka
- U qareemidda iyo dhaqaale raadinta sidii lagu dhisi lahaa Goleyaal Deegaan oo dadku soo doorteen.
- Ka qayb qaadashada iyo ka talo bixinta arrimaha xasilinta dalka iyo la dagaalanka saboolnimada
- La shaqaynta Hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee ku howlan hormarinta Dowladaha Hoose
- La shaqaynta iyo gacansiinta waaxyahaha kale ee wasaaradda si hab wadajir ah loogu fuliyo xilka iyo waajibaadka guud ee Wasaaradda.
- Tababarka iyo kobcinta tayada shaqaalaha ka shaqeeya waaxda iyo kuwa heer dowlad goboleed.
- Ilaalinta iyo weelaynta agabka iyo xogta Wasaaradda ee Waaxda.
Ayadoo la tixraacayo Xeerka Qaab-dhismeedka Wasaaradda 2025
Waaxda Horumarinta Dowladaha Hoose iyo Maamul Baahinta
Waaxda Horumarinta Dowladaha Hoose iyo Maamul Baahinta iyadoo kaa shanaysa la taliyayaal khubaro ah waxay u xil-saaran tahay fulinta howlaha ku saabsan:
- Naqshadeynta iyo habeeynta Soohdimaha Degmooyinka dalka.
- Hubinta hirgelinta iyo ku dhaqanka shuruucda dhismaha golayaasha D/hoose ee Degmooyinka Dalka.
- La socodka mashaariicyada iyo barnaamijyada kala duwan ee la xiriira Dowlaha Hoose, Xasilinta iyo Magaalooyinkaba.
- Arrimaha Xasilinta Degmooyinka & tuulooyinka dalka.
- Waaxda Dowladaha Hoose iyo Maamul Baahinta waxay yeelanaysaa 4 qeybood oo kala ah: –
-
- Qeybta Dhismaha iyo Horumarinta Dowladaha Hoose
- Qeybta Maamul Baahinta iyo Dariseynta
- Qeybta Arrimaha Xasilinta iyo Soo Kabashada Deg Dega
- Qeybta Lasocodka iyo Kormmeerka Mashaariicda
Ujeedada Waaxda Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta iyo Horumarinta Reer Miyiga waa ka mid ah:
In Dowlad Goboleedyada laga gacan siiyo dib u dhiska Goleyaasha Deegaan Degmooyinka Dalka, in la helo Hay’addo Dowlado Hoose ah oo sharci ku dhisan dadka deegaankuna soo doorteen, in bulshada loo qabto kulamo Dood Wadaag ah oo ku saabsan Maamul Daadejinta iyo In dib loo dhaqan geliyo Mashaariicdii Horumarinta Reer Miyiga.
Xilka iyo Waajibaadka Guud ee Waaxda Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta & Reer Miyiga
1. Waaxdu waxay mas’uul ka tahay hirgalinta siyaasadda wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose, maamul baahinta iyo horumarinta reer miyiga.
2. Diyaarinta, talo aruurinta iyo ka talo bixinta shuruucda iyo siyaasadaha la xiriiraha arrimaha hormarinta dowladaha hoose, maamul baahinta iyo horumarinta reer miyiga.
3. Gacansiinta wasaaradaha dowlad goboleedyada dhismaha golayaasha deegaanka, hormarinta Dowladaha Hoose, maamul baahinta iyo reer miyiga.
4. Qabashada iyo hirgalinta shirka madasha Wadajir ee horumarinta dowladaha hoose ee dalka.
5. Diyaarinta iyo fulinta hannaanka xasilinta dalka iyo qabshada shirka xasilinta oo joogtada ah.
6. Gacansiinta dowlad goboleedyada siday u qaban lahaayeen shirka joogta ah ee xasilinta.
7. Hirgalinta xiriir wada shaqeyn iyo iskaashi dhex mara Wasaaradda iyo wasaaradaha dowlada goboleedyada.
8. U qareemidda iyo dhaqaale raadinta sidii lagu dhisi lahaa goleyaal deegaan oo dadku soo doorteen.
9. Ka qayb qaadashada iyo ka talo bixinta arrimaha xasilinta dalka iyo la dagaalanka saboolnimada.
10. La shaqaynta Hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ku howlan hormarinta Dowladaha Hoose.
11. La shaqaynta iyo gacansiinta waaxyahaha kale ee wasaaradda si hab wadajir ah loogu fuliyo xilka iyo waajibaadka guud ee Wasaaradda.
12. Tababarka iyo kobcinta tayada shaqaalaha ka shaqeeya waaxda iyo kuwa heer dowlad goboleed.
13. Ilaalinta iyo meelaynta agabka iyo xogta Wasaaradda ee Waaxda

