Waaxda Dib U Heshiisiinta

Waaxda Dib u heshiisiinta

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waa mas’uuliyaadkeeda ka mida hirgelinta nidaam dhab u heshiisiin, siyasaadaha xallinta khilaafaadka, ka shaqeynta nabadda, dhiirigelinta xasilloonida iyo arrimo kale.

 

Haddaba, si arrimahaasi looga mirodhaliyo ayey wasaaradda u sameysay waax ka shaqeyso hirgelinta siyaasadaha wasaaradda iyo guud ahaan xukuumadda ee dib u heshiisiinta.

Ujeedka waaxda waxaa ka mid ah:

Helidda Soomaali nabad ah, barwaaqaa iyo xasilooni waarata hesha, dhameynta khilaafadka ka jira dalka mid bulsho iyo mid siyaasadeed, walaaleynta dadkii colaaddu kala erdhaysey iyo helidda bulsho nabad ku wadanool

Waajibaadka Waxaa Ka mid ah:

Waajibaadka waaxda ee ku aaddan dib u heshiisiinta waa labo qaab mid siyaasi ah iyo mid bulsho.

 

1- Dhanka siyaasadda:

  •  Somaliland waaxda waxaa u qorshaysan inay dardar galiso wadahadaladii Somaliland si loo helo Somaliya oo mid ah heshiisna ah.
  • in la helo xasiloni siyaasadeed .lagana hortago khilaaf kasta oo siyaasadeed oo soo baxa.

 

2- Qeybaha Bulshada:
Waaxda Dib u heshiisiinta, waxay farsamo yaqaan ka tahay hirgalinta siyaasadda wasaaradda ee arrimaha dib u heshiisiinta, waxaa kale oo ay diyaarisaa kana talo bixisaa shuruucda iyo xirfadaha la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka mid siyaasadeed iyo mid bulsho , diyaarinta sharicaga runta iyo dib u heshiisiinta iyo qabashada shirarka dib u heshiisiinnada.

Waxaa kale oo waajibaadka shaqo ee waaxda ka mid ah: hirgalinta xiriir wadashaqeen iyo iskaashi ee u waaxyaha dib u heshiisiinta wasaradda iyo wasaaradaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda fadaraalka ah , ka hortaga iyo xal u helidda khilaafaadka iyo xasaradaha bulsho iyo kuwa siyaasadeedba, u qareemidda iyo dhaqaale u raadinta sidii xal loogu helilahaa khilaafadka ka jira dalka, gacansiinta wasaaraddaha dowlad goboleedyada ee arrimaha dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaadfka kun shaqada leh , la shaqaynta Hayadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee ku howlan dib u heshiisiinta dalka, tababarka iyo kobcinta tayada shaqaalaha ka shaqeeya waaxda iyo kuwa heer dowlad goboleed.

Waaxda waxaa ay ka shaqeyneysaa dhameestirka dib u heshiisiinanada socda iyo bilaabidda kuwa kale oo aan wali la daahfurin, qorsheynta iyo qaymeenta meelaha khilaafyadu ka jiran .
Samaynta wacygalin bulsho oo la xariirta arimaha dib u heshisiinta si loo helo bulsho nabdeed oo nabadda dhiiri galisa