Waaxda Arrimaha Bulshada

Waaxda Arrimaha Bulshada

Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa ay ka mid tahay waaxyada ugu muhiimsan ee wasaaradda, waxaa ay leedahay qaybo kala duwan oo ay howlo kala duwan ku qabato sida: Odeyaasha dhaqanka, Wacyigalinta, Ururrada bulshada rayidka, Xaquuqul insaanka iyo diriseynta.

Waajibaadka Waaxda Arrimaha Bulshada:

1. Bixinta iyo Diwaangalinta Aqoonsiyada odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
2. Diyaarinta Siyaasada iyo sharuucda lagu dhaqo odayaasha dhaqanka
3. Gacansiinta D/ Gobololeedyada Arr.Hor. Odoy. Dhaqanka & Arr. Bulshada
4. U qareemidda iyo dhaqaale u raadinta Odoyaasha dhaqanka.
5. Wacyigelinta dib u heshisiinta iyo Dariseynta Bulshada.
6. La shaqaynta iyo gacansiinta waaxyahaha kale ee wasaaradda.
7. Tababarida iyo kobcinta tayada shaqaalaha waaxda
8. Tababarka, iyo kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta odayaasha dhaqanka
9. Diyaarinta qorshaha dariseynta gobolka Banaadir
10. Xalinta khilaafaadka ka dhex jira dariseynka gobolka banaadir
11. La socoshada xaaladaha Xaquuqul Insaanka
12. La socoshada dadka baahiyaha gaarka qaba ee Soomaaliyeed.
13. wacgigalinta Dib u heshiisiinada Wasaraddu wado
14. Xiriirinta iyo Saamaynta hindise sharciyeedka ururada Bulshada Rayidka.