wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Taariikhda Wasiirka

Taariikhda Wasiirka Arrimaha Gudaha

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xilka la wareegay

 

Mudane Wasiir Cali Xoosh waxaa uu leeyahay khibrad in ka badan 30 sano oo la xiriirta; Dowlad-dhiska, Arrimaha Gudaha, Amniga, Dib u heshiisiinta, Qorsheynta, Howlaha guud iyo Dib u dejinta.

 

Wasiir Cali Yuusuf Xoosh, waxaa uu Wasiir kuxigeen kasoo noqday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaa kale oo uu aqoon fiican u leeyahay qaran dhiska heerarka kala duwan ee dowladda.

 

9-kii sano ee ugu dambeysay, mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) waxaa uu xubin ka ahaa Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaannada 10-aad iyo 11-aad ee Federaalka ah, isaga oo khibradahaasi kala duwan uga faa’ideyn doona hoggaaminta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo ka mirodhalinta howlaha hortabinta u leh.

 

 

Muddada dheer ee wasiirka uu u soo shaqeeyey qaranka, waxaa jagooyinka uu qabtay ka mid ah:

 

  • Wasiir kuxigeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Puntland.
  • Wasiir kuxigeen Wasaaradaha Amniga Puntland.
  • Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee 10-aad iyo 11aad.
  •  

Mudane Wasiir Cali Xoosh, hadda waa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalka iyo Dib u Heshiisiinta,oo ah hooyada wasaaradaha, soona jirtay tan iyo 1956-dii.