- January 17, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Kulamada, Waqooyi Bari, Wararka
No Comments

Muqdisho 17 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka oo uu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiirro ka tirsan XFS, Xildhibaanno, Masuuliyiin ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka, dalalka beesha caalamka iyo qeybaha bulshada.



































