wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiirka Cali Xoosh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Howlwadeennada Dib-u-heshiisiinta.

 

Muqdisho 18 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali( Xoosh) ayaa Warbixin ku aaddan Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta ka dhagaystay howlwadeennada iyo khubarrada Arrimaha Dib-u-heshiisiinta ee Wasaaradda.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay heerarka iyo sooyaalka uu soo maray Hannaanka Qaran ee dhab-u-heshiinta oo ay waddo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Munaasabadda Daahfurka Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiinta ee nagu soo wajahan.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa faray in la dardargaliyo shaqada ku aaddan arrimaha Dib-u-heshiinta iyo Nabadda oo ay garwadeenka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.