wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Fiqi oo Qaabilay Agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Heritage

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Heritage.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiintan uu horkacayey Agaasimaha Machadka Heritage mudane Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka wadahadalay iskaashi dhexmara Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Machadka Heritage gaar ahaan dhinacyada Dib u Heshiisiinta iyo Dimoqoraadiyadeynta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa ay ahmiyad siisaa daadejinta maamullada dalka, Heritage oo ah hey’ad Cilmi Baaris waxaa ay gacan ka geysan kartaa xog uruurinta iyo arrimaha kale.