wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Arrmaha Gudaha Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Muqdisho Luulyo13, 2023; Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane H.E Sadad Mohmednur Aliyow, ayaa si rasmi ah ula wareegay Xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo dhawaan usoo magacaabay Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

 

Munaasabadda Xil wareejinta ee Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxda Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo La-taliyayaasha Wasaaradda.

 

Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane H.E Sadad Mohmednur Aliyow, oo munaasabadda xilwareejinta ka hadlay ayaa ballan qaaday in uu waajibkiisa qaran u gudan doono si daacadnimo ah oo waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda in u guto waajibkiisa Qaran.