wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Cali Xoosh Oo Soo Xiray Aqoon Isweedaarsiga Xiriirka Dadweynaha

Muqdisho 26 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa soo xiray Tababarka Istaraatiijiyadda Xiriirka Dadweynaha kaasi oo muddo 5 maalin ah ay ka faa’ideysanayeen Waaxyaha Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee qaar ka tirsan Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa adkeeyey sida Wasaarada uga go’antahay kor u qaadista karaanka shaqaalaha iyo in ay yeeshaan xirfado la jaanqaadayo suuqa shaqada, isaga oo howlwadeennada kula dardaarmay in ay ku dadaalaan baahinta wararka xaqiiqadaha ee ka tarjumaya waxqabadka dowladda, kahortagga dacaayadaha Khawaarijta iyo muujinta horumarrada jira iyo sharciyaddeeda.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa qeybiyey shadooyinka siminaarka.