wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Yeeshay Agaasimaha Afrika Ee UN Habitat

 

Muqdisho 29 May 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Hay’adda UN-Habitat ee Afrika Mudane Sylla Oumar.

 

Kulanka oo ahaa booqasho shaqo ayey mas’uuliyiinta ka wada hadleen; Qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda ee dhanka Dowladaha Hoose, Magaalaynta & Maaraynta Barakaca sii kordhaaya, Isbedelka Cimillada iyo sida Dowladaha Hoose uga jawaabi karaan.

 

Waxaa kale oo kulanka xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Dowladda iyo UN-Habitat iyo Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga iyo dardargelinta dib-u bilowga Mashruucaan Muhiim ka u ah dalka oo dhan.