wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo

Laascaanood 22 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Wasiir Cali (Xoosh), isagoo uga warbixiyay waxqabadka iyo dedaallada joogtada ah oo ay waddo SSC-Khaatumo.

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa bogaadiyay shaqada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo isagoo kula dardaarmay dardargalinta howlaha baaxadda leh oo ay waddo Wasaaradda.