wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Md. Larry E. André, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry E. André.

Wasiirka iyo safiirka ayaa waxa ay ka wada hadlen barnaamijyada Xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee dalka.

Wasiir Ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo ay qadarinayso dadaalka iyo taageerada Dowlada Mareykanka u muujisay Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Larry E. André ayaa bogaadiyay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin dib u xoraynta dhulalka gacanta dawladda ka maqan , xoojinta iyo Dhismayaasha maamulka deegaanka si looga jawaabo baahiyaha bulshada.