wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo Gabagabaysay Tababar Ku Saabsan Istiraatiijiyadda Qaran Ee Dad Dhigista Dalka

 

Muqdisho, 21 Oct 2023, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kaashanaysaa (African Center for Statistics – United Nations Economic Commission for Africa) ayaa soo gabagabaysay tababbar ku saabsan diyaarinta Istaraatijiyada Qaran ee dib-u-dhiska iyo hirgelinta  nidaamka iyo adeegga dad-dhigista Dalka.

 

Tababbarkaan oo ay qayb ka ahaayeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, isu-duwayaasha dad-dhigista ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo Agaasimaha dad-dhigista Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray dejinta Istaraatijad Qaran oo lagu gaari karo helidda adeeg dad-dhigis oo hagaagsan la iskuna hallayn karo.

 

Agaasimaha Diiwaangelinta Madaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdiqani Maxamed Wehliye oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay waxyaabaha laga faa’iday.

 

“ Waxaan  lagu heshiiyay Istaraatijiyad Qaran oo la horgeyn doono Guddiga Hagidda si loo ansixiyo. Waxaan u mahadcelinayaa Hay’adda Dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay oo fududaysay qabsoomidda tababbarkaani naguna taageertay khubarro ku xeeldheer samaynta Istaraatijiyadaha Qaran ee lagu maamulo howlaha dad-dhigista.”