wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Daahfurtay Daraasadda Dadka Khatarta Ugu Jira Dal-laawenimada

 

Muqdisho 19 Dec 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku Daahfuraysa Daraasadda Dadka Khatarta Ugu Jira Dal-laawenimada.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Sadad Alio ayaa daahfuray kulan ay Muqdisho ku qabatay Wasaaradda Arrimaha ee Soomaaliya oo la xiriira “Daraasadda Dadka Khatarta Ugu Jira Dal-laawenimada”

 

Mudane Wasiir Sadad oo khudbad kooban kajeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda daraasadda iyo guud ahaan khatarta dadka halista ugu jira dal-laaweyaasha isaga oo soojeediyay in la dardargeliyo howlaha arrinkan wax looga qabanayo.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xassan, Oo ka hadlay Daahfurka Daraasadda Dadka Khatarta Ugu Jira Dal-laawenimada ayaa ku dheeraaday Ahmiyadda Arrintaan.