wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Iyo Hay’adda Interpeace Oo Kala Saxiiday Is-afgarad

 

Muqdisho 02 Mar 2034; Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hey’adda Interpeace ayaa maanta kala saxiixday isafgarad istaraatiiji ah oo la xiriira nabad-dhiska, iyada ay heshiisku ay saxiixeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Itonde Kakoma oo ah madaxweynaha Interpeace.

 

Heshiiskan oo la xiriira horumarinta Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran ayaa waxaa qeyb ka ah howlaha kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada, wada noolaashiyaha, sookabashada iyo guud ahaan arrimaha dib u heshiisiinta. Labada dhinac ayaa lagu wadaa in iskaashaadaan awoodsiinta bulshada qeybaheeda iyo hey’adaha dowladda ee kashaqeeya arrimaha nabadda.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay waxa uu ka dhigan yahay isafgaradkan “ Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan aan la yeelaneyno Interpeace, oo ah suurogelinta bey’ad ku habboon nabadda iyada oo laga duulayo tiirarka hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, taas oo muhiim u ah Xasillinta Soomaaliya”.

 

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpeace Itonde Kakoma ayaa ka hadlay ahmiyadda heshiiska “Iskaashigan waa tallaabo muhiim ah loo qaaday ballanqaadyadeenna ku aaddan Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran.