Waaxda Tiknoolajiyadda iyo Adeegga Digitalka

Waaxda Tiknoolajiyadda iyo Adeegga Digitalka

Waaxda Tignoolajiyada iyo Dijital ah waxay door muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta iyo hal-abuurka waxeyna laf dhabar u utahay hawlaha dhijitaalka ah ee wasaaradda waxaana astaan u ah hufnaan iyo hawlkarnimo hawleed.

Waaxdani waxay mas’uul ka tahay hirgelinta iyo maaraynta xalalka tignoolajiyada casriga ah ee hagaajinaya hababka kor u qaadaya amniga xogta iyo ku kalsoonaanta xogta. Sidoo kale waxayaabaha ey qabato waxaa ka mid ah kormeerka, horumarinta iyo dayactirka kaabayaasha ITiida, maaraynta adeegyada keydinta xogta ee looyaqaan cloud storage, hubinta tallaabooyinka amniga internetka ee adag, iyo kobcinta dhaqanka isbeddelka dhijitaalka ah ee joogtada ah. 

Shaqada:

Waaxdan waxay mas`uul ka tahay howlaha soo socda:

1. Cilad bixinta Aaladaha technologyadeeda iyo rakibistooda.

2. Helista softwareska ms officeka, Zoom Applicationska meeting, pdfka oo la’isku haleyn karo amnigooda iyo adeegyada digitalka ah ee laga maarmaankana u ah shaqada wasaaradda.

3. Hirgelinta iyo maaraynta xalalka tiknoolajiyada casriga ah, sameynta systemska, websiteska iyo cilad bixintooda.

4. Maamulista iyo horumarinta adeegga e-moifar iyo Maaraynta adeegyada keydinta xogta ee looyaqaan (cloud storage).

5. Soo bandhigista warbixinta waxqabadka iyo hubinta ku shaqeynta systemka e-moifar. 

6. Hubinta tallaabooyinka amniga internetka iyo kobcinta dhaqanka isbeddelka Dijitaalka ah ee joogtada ah.

 

Waaxdan waxay ka kooban tahay afar qeybood oo kala ah:

a) Qeybta Farsamada iyo Cilad bixinta Aaladaha.

b) Qeybta Horumarinta iyo dayactirka barnaamijyada

c) Qeybta Soo Bandhigidda waxqabadka iyo Caawinta Joogtada ah

d) Qeybta Badqabka internetka iyo adeegga danabeysan.