Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

Waajibaadkeeda waxaa ugu muhiimsan:

 

  1. Waa waaxda maamulka shaqaalaha iyo tabaradda, waxay mas’uul ka tahay:
  2. Maamulka iyo maareynta shaqada,
  3. Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda,
  4. Hubinta in si wanaagsan loo gaaro ujeedooyinkeeda sharciga ah iyo yoolalka wasaaradda.
  5. Wacyigelinta u hoggaansanta dhammaan sharciyada iyo xeerarka dowladda ee khuseeya shaqaalaha rayidka dowladda sida shuruuciga shaqaalaha rayidka iyo qawaaniinta kale ee dowliga ah ee khuseeya waaxda.
  6. Hubinta in dhammaan xubnaha shaqaaluhu ay si hufan oo wax ku-ool ah u gutaan shaqadooda.
  7. Qiimaynta baahiyaha tababbarka, fududeynta iyo qiimeynta qabashada barnaamijyada tababarka iyadoo la raacayo ujeedooyinka hore loo dejiyay iyo saamaynta ay ku leeyihiin heerka waxqabadka.
  8. Diyaarinta daraasado xilliyeed oo lagu horumarinayo adeegyada ay bixiso Wasaaradda, qeexidda shuruudaha adeegyada la bixiyo iyo daabacaadda shuruudahan, iyo qaadashada hababka ku habboon ee horumarinta waxqabadka.
  9. Diyaarinta iyo fulinta siyaasadaha magdhowga iyo hababka hawlgelinta ee abaal-marinaysa waxqabadka shaqaalaha