Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta Mashaariicda
Waaxda Kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda, waa wax muhiim ah oo ka shaqeysa sidii kormeer iyo qiimeyn loogu sameyn lahaa dhammaan mashaariicda kala duwan.
Shaqada ay Qabato Waxaa ka mid ah:
- Uruurinta xogaha saxda ee mashaariicda
- Kormeerka mashaariicda socota
- Qiimeynta mashaariicda socota
- Talo bixinta hannaanka socodka mashaariicda
- Hagidda qulqulka mashaariicda
- Hubinta in mashaariicda ku socdaan qaabkii, waqtigii iyo maaliyaddii loogu talogalay.
- Ka Taageeridda dhanka siyaasadaha ee mashaariicda
- Hubinta in mashaariicda la socdaan siyaasadda wasaaradda iyo midda xukuumadda.
- Gacansiinta hoggaanka ee xallinta dhibaatooyinka.
- Gacansiinta hoggaanka dhanka go’aan ka gaarista shaqada kala duwan.
- Dhiirigelinta isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.