Waaxda Aarkifiyada
Waaxda Aarkifiyada iyo Keydinta Dokomentiyada ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa ay ka mid tahay waaxyada wasaaradda, waxaa ayna mas’uul ka tahay qabashada, soo saarista iyo keydinta dhammaan wixii document ah sida warsaxaafadeedyada, Dikreetooyinka, Siyaasadaha, Sharuucda iyo arrimahaha kale.
Arrimaha ay u xil saaran tahay waxaa ka mid ah:
- Bixinta iyo fududaynta adeegyada wasaarada iyada oo howsha ay si gaar ah u qabanayso qaybta Arkifiyada.
- Qabashada iyo sumadaynta dhammaan waraaqaha kasoo baxa wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
- Baahinta siyaasadaha wasaaradda ee ku aadan barnaamijyada hortabinta u leh wasaaradda.
- Qabashada iyo keydinta qoraallada dhexmara wasaaradda iyo hey’adaha kale ee gudaha iyo dibadda.
- Qabashada dokumentiyada ka yimaada dhammaan hey’adaha dowladda federaalka ah, kuwa xubanaha ka ah iyo hey’adaha kale.
- Kor u qaadista xiriirka u dhaxeeya wasaaradda, hay’addaha kale ee dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- Tababarka iyo kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ee la xiriirta xog wadaaga.
- Soo jeedinta hindisayaal lagu hormarinayo arrimaha ku wajahan ilaalinta Documents Wasaaradda.
- Hubinta sax ahaanshaha dokumenyada kala duwan ee soo gaaraya wasaaradda.