Taariikh Nololeedka Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Waa Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, waxaa uu leeyahay khibrad dowladnimo oo muddo dheer ah isaga leh xirfado la xiriirka caalamiga, diblomaasiyadda, hoggaanka, maamulka iyo xallinta khilaafaadka.
Mudane Ashkir, waxaa uu horay usoo noqday:
- Wasiiru dowlihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga.
- Guddiga Farsamada ee Heshiiskii Doorashada Soomaaliya ee Sebtembar 2020.