Taariikhda Agaasimaha Guud
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waa Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali waa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa khabiir dhinacyada maamul-wanaagga, dowlad-dhiska, dib-u-habeynta hay’adaha, iyo horumarinta.
Xilkan kahor, wuxuu soo noqday Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Isuduwaha Guud ee Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo door muuqda ka qaatay hoggaaminta nidaamyada qaran, isuduwidda, iyo hirgelinta guusha leh ee doorashooyinkii Soomaaliya ee 2021.
Sidoo kale, wuxuu leeyahay in ka badan 10 sano oo khibrad ah oo uu la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay ee Bariga iyo Geeska Afrika. Wuxuu haystaa shahaadooyin sare oo dhowr ah, waana musharrax u yahay PhD Xiriirka Caalamiga ah, wuxuu kale oo heystaa shahaadooyin sare oo waxtar u leh waajibaadka Wasaaradda ee xoojinta federaalka, dib-u-heshiisiinta, iyo howlaha kale ee hortabinta leh.

