Sooyaalka Iyo Wasiirradii Arrimaha Gudaha
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa mid ka mid tiirarka xukuumadda Soomaaliya, waxaa loogu yeeraa hooyada Wasaaradaha, waxaa ay jirtaa 67 sano, waxaa ilaa hadda soo hoggaamiyay 32 wasiir, burburkii kahor shaqaalaheeda waxaa ay gaareen ilaa 8,000 shaqaale.
Muddo 8 sano ayaa waxaa ay ku shaqeyn jirtay magac kale oo ahaa Wasaaradda Dowlaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, sababtuna waxaa ay aheyd in 1977-kii dowladdii jirtay xilligaasi ay ka qaadday qeybo ka mid ah laamaheeda sida Booliiska, Nabad sugidda iyo Asluubta, laakin waxaa magaca Arrimaha Gudaha dib loo soo celiyey 1984-tii.
Halkan Ka Akhriso Liiska Wasiirrada soo Maray Wasaaradda(1956-2022)
May 1956-dii waxaa la dhisay xukuumaddii maamulkii daakhiliga, waa tii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelato, waxaa Ra’isul wasaare ka ahaa Cabdullahi Ciise Maxamuud, waxaa ay la laheyd lix wasiir, Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligaas waxaa uu ahaa Xaaji Muuse Boqor.
Doorashada baarlamaanka ee dhacday December 31, 1958-ddii, xukuumaddii 2-aad ee ka dhalatay waxaa Ra’isul wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha isku ahaa Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud.
Wasiirradii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xoriyadda Kadib:
1. Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
2. Mudane Maxamuud Cabdi Nuur (Juuje)
3. Mudane Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Zoobe).
4. Mudane Yaasiin Nuur Xassan
5. Mudane Jaamac Cali Qorsheel
6. Mudane Xuseen Kulmiye Afrax
7. Mudane Jaamac Maxamed Qaalib
8. Mudane Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar (Feb 3, 77) Wasaaradda Dowladaha hoose iyo horumarinta miyiga
9. Mudane Jaamac Maxamed Qaalib (April 1, 79, Feb 7, 80., Wasaaradda Dowladaha hoose iyo horumarinta miyiga
10. Mudane Axmed Jaamac Cabdulle(Jaangeli) March 2, 82, Wasaaradda Dowladaha hoose iyo horumarinta miyiga
11. Mudane Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) June 2, 84 Dib usoo celinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha
12. Mudane Maxamed Cabdulle Bacadle
13. Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamed
14. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
15. Mudane Maxamed Qanyare Afrax
16. Mudane Daahir Shiikh Mohamed
17. Mudane Arbow Axmed Gacal Cali
18. Mudane Xuseen Maxamed Caydiid
19. Mudane Maxamed Maxamuud Gacmadheere
20. Mudane Muuse Nuur Caalin
21. Mudane Cabdiqaadir Cali Cumar
22. Mudane Cabdishakuur Shiikh Xasan
23. Mudane Cabdisamad Macallim Maxamuud
24. Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed
25. Mudane Cabdullahi Goodax Barre
26. Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
27. Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa
28. Mudane Cabdi Maxamuud Sabriye
29. Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax
30. Mudane Axmed Macallim Fiqi
31. Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh