wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Kulan Kooxeedka Farsamo Ee Xasilinta Iyo Soo Kabashada Hore

Muqdisho 21 May 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa martigelisay shir looga hadlayay xoojinta howlaha xasillinta iyo dib-u-soo-kabashada kaas oo diiradda lagu saaray wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawlan dadaallada xasillinta iyo dib u soo kabashada ee dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galay hay’adaha dowladda, bahwadaagta caalamiga ah iyo daneeyayaal kale, iyadoo la isku weydaarsaday warbixinno, caqabado iyo fursado wada-shaqeyn.

Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta ayaa kusoo bandhigay Kulanka Kooxda Farsamada ee Xasillinta iyo Soo-kabashada Hore waxyaabaha uga qabsoomay Xasilinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Caydaruus Macalin Xasan, oo furay shirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada xasillinta iyo dib-u-soo-kabashada.

Wasaaraddu waxay adkeynaysaa muhiimadda wada shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada xasillinta si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar u horseeda nolol ka wanaagsan bulshada Soomaaliyeed.