Kulanka Dib u Eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran

Kulanka Dib u Eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo furay kulanka “Daahfurka Dib u Eegista Hannaanka Dhab u Heshiinta Qaran”, ayaa sheegay in dhab u heshiisinta Soomaaliya ay tahay in ay ku timaado rabitaanka dadka isaga oo khudbadiisa ku yiri, “Sharaf ayey noo tahay in aan halkan isugu nimaado, labadii maalin ee tagay waxaa socday doodo la xiriira dib u eegista hannaanka dhab u heshiisinta, si ay ula jaanqaadaan marxaladda cusub uu dalku marayo, waxaan hay’adaha kala duwan uga mahadcelinayaa kaqeybgalkooda, waxaan rabnaa in la helno nidaam dib u heshiisiin oo dhab ah, oo ku yimid rabitaanka dadka, waxaa uuna kusoo aadayaa marxaladda cusub ee dalka”.