Kulan dhexmaray Wasaaradda iyo Hay’adda Socdaalka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa maanta ku qabatay caasimadda Muqdisho kulan wadatashi heer farsamo oo ay la yeelatay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Kulankan ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray arrimo xiriir toos ah la leh howlaha shaqo hey’adda Socdaalka, kuwaas oo ay tahay in labada dhinac ay wadashaqeyn ka yeelan karaan. Waxaa lasoo qaatay arrimo badan oo ay ka mid yihiin shuruucda iyo howlaha la xiriira diiwaangelinta madaniga ah iyo Istaatistikada, jinsiyadda, barakacayaasha, qaxootiga, soogalootiga, socdaalka iyo xuduudaha, howlaha Baasaboorada, hubinta NGO-yada caalamiga iyo kuwa maxaliga iyo arrimo kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Caydaruus Macallim Xasan Cabdulle oo kulanka furay ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in labada dhinac ay wadatashi ka yeeshaan howlaha ay wadaagaan, isaga oo soo qaatay sharciyada iyo siyaasadaha kala duwan ee ay hadda hormarineyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha si ay dhaqangal u noqdaan, waxaa uuna si gaar ah u taabtay, soona jeediyay in la xoojiyo ka wada shaqeynta dhinacyada jinsiyadda iyo howlaha Baasaboorada, diiwaangelinta dadka, barakacayaasha, qaxootiga, soogalootiga, socdaalka iyo xuduudaha, NGO-yada iyo dhammaan howlaha kale ee ay labada dhinac is dhex galayaan. Agaasime Caydaruus waxaa uu ballanqaaday in kulaman farsamo oo guddi gaar ah loo saarayo ay joogto noqon doonaan.
Cabdiqani Maxamed Weheliye, oo ah agaasimaha waaxda Diiwangelinta Madaniga oo isna kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay warbixin la xiriirta qorshayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta sida siyaasadaha iyo shuruucda kala duwan, isaga oo hordhigay madasha howlo badan oo ay labada dhinac iska kaashan karaan.
Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda iyo Diiwaangelinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaga Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Caadle oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa sheegay sida ay hay’adda diyaar ugu tahay in ay wadashaqeyn dhow la yeelato Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta isaga oo sharaxaad ka bixiyay howlo badan oo hey’ad ahaan ay qabtaan, oo aan la qaban karin Wasaaradda la’aanteed, loona baahanyahay in iskaashi laga yeesho, lana xoojiyo, waxaa uuna soojeediyay in kulamada farsamo ay joogto noqdaan, oo lagu wadaago talooyinka iyo xogaha baahida adag loo qabo.