wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Doorashada Madaxweynaha Waqooyi Bari Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Lagu Qabtay Laascaanood

Laascaanood 30 Aug 2025; Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Madxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya u doortay Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxaa wareegga labaad u gudbay Mudanayaasha kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa wareegga labaad helay 18 halka uu Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) helay 62 cod, isagoo noqday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee 5-ta sano soo socota.

Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya 5-ta sano ee soo socota.