wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

BAAQ NABADEED: Wasaaradda oo Baaq Nabadeed Kasoo Saartay Xaaladda Laascaanood

Muqdisho 31 Aug 2022; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS waxaa ka xun tahay dhibaatooyonka iyo dhiiga dadka shacabka ah ee daadanaya, waxayna tacsi u direysaa ehelada dadka biri-ma-geydada ah ee ku geeriyootay banaan-baxyada ka dhacaya magaalada Laascaanood.
Waxaa ay sidoo kale wasaaraddu iyada oo ka duuleysa mudnaanta dowladda federaalka ah ee dhab u heshiisiinta, xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed ay ku baaqeysaa joojinta colaadda iyo in maamulka Somaliland xal nabadood ku wajaho xaaladda Laascaanood ayadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah ee dadku u leeyihiin in ay ra’yigooda ku cabbiraan si nabdoon.