wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Agaasimaha Guud Oo kormeer Ku Tagay Dhismaha Cusub Ee Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda

Muqdisho 01 Mar 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane  Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kormeer iyo la socodka heerka shaqada ku tagay dhismaha cusub ee xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka ah ee Degmada Boondheere, kaasi oo ay soo gaba-gabagabowday dib u dhiskeeda.
Intii uu booqashada ku guda jiray Agaasimaha Guud mudane Cabdul waxuu warbixin faahfaahsan ka dhageystay injineerada gacanta ku haya howsha dhamaystirka kuwaas oo si joogto ah ula socda heerka dhismaha, baahiyada ay tahay in laga jawaabo si ugu dambeyn loogu guuro, Agaaaimaha Guud ayaa ku bogaadiyey shaqada socota isaga oo adkeeyey ahmiyadda in si degdeg lagu dhameystiro, loona qalabeeyo waxaa kale uu u mahadceliyey saxiibada caalamiga ah ee gacan ka geystay, weliba sii wada hirgelinta dhismahan.

Xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo 35 sano burbursaneyd ayaa dib u howlgalinteeda waxay door weyn ka qaadan doontaa dardargelinta iyo tayeynta hawlaha Wasaaradda iyada oo fududeyn doonta isku-duwidda shaqada, kor u qaadi doonta hufnaanta maamulka, kana caawin doonta wasaaradda hirgelinta himilooyinkeeda iyo ujeeddooyinkeeda istiraatiijiyadeed, si adeegyo hufan oo wax ku ool ah loogu gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.