wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Agaasimaha Guud Oo Guddoomiyey Kulanka Billaha Ah Ee Wasaaradda

Muqdisho 28 Feb 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane  Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Wasaaradda kaas oo ay ka soo qaybgaleen Agaasimeyaasha Waaxyaha, Madaxqeybeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda.
Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray fulinta Qorshaha Shaqooyinka ballanqaadka Wasaaradda ee sannadka 2026, dardargelinta kulamada joogtada ah ee waaxyaha iyo soo gudbinta warbixinnada lagama maarmaanka ah. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobbada laga dooday anshaxa iyo habdhaqanka shaqada, tababarrada shaqaalaha, iyo kor u qaadista karaankooda si loo xoojiyo tayada adeegyada.
Intii uu kulanku socday, waxaa la soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira habsami-u-socodka shaqada, iyadoo Agaasimeyaasha Waaxyaha ay madasha ku soo jeediyeen aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo waxqabadka waaxyaha iyo shaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta isla-xisaabtanka iyo hubinta fulinta ballanqaadyada Wasaaradda ee 2026.
Waxuuna faray waaxyaha in ay diyaariyaan qorshehawleedyo waafaqsan hortabinnada Wasaaradda si loo xaqiijiyo hirgelinta howlaha qorshaysan. Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyey ahmiyadda anshaxa shaqada iyo dhaqangelinta sharciga shaqaalaha, isaga oo sharaxay qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan tababarrada iyo kor u qaadista karaanka shaqaalaha si loo tayeeyo waxqabadka guud ee Wasaaradda.