wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Guddoomiyey Shir Looga Hadlayey Doorka Dhalinyarada ee Dib u heshiisiinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Cabdulle iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Cayaaraha ayaa wada guddoomiyay kulan howleed la xiriira kaalinta dhalinyarada ee geedi socodka dib u heshiisiinta.
 
 
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa inta uu socday waxaa la isku dhaafsaday doodo wax ku ool ah oo la xiriira arrimaha dhalinyarada iyo geedi u socodka dhanka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya.
 
 
Waxaa kale oo kulanka ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo qeybaha dhalinyarada.