- January 3, 2023
- Posted by: Mohamud Adan Mumin
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay agaasime waaxeedyada Wasaaradda.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Aidarus M Hassan ayaa la xiriiray qiimeynta guud ee waaxaha, shaqada iyo shaqaalaha, isla xisaabtanka, dardargelinta howlaha iyo qorsheyaasha sanadkan 2023-ka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku adkeeyay agaasimayaasha waaxaha daadajinta iyo tayeynta shaqada, la xisaabtanka shaqaalaha iyo hubinta in howlaha noqdaan kuwa la jaanqaadaya arrimaha hortabinta u leh Wasaaradda iyo guud ahaan Xukuumadda Federaalaka ah.