Wasiir Fiqi oo kormeeray tababar u socda waaxda Warfaafinta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kormeer iyo dhiirigelin ugu yimid waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka ee wasaaradda oo u fadhisay maalintii saddexaad ee tababar la xiriira istaraatiijiyadda warbaahinta (strategic communications).
Tababarkan oo sidoo kale ay qeyb ka yihiin waaxaha warbaahinta ee qaar ka tirsan Wasaaradaha XFS iyo hay’adaha kale dowladda ayaa hadal kooban uu Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi jeediyey ku sheegay in tababarrada noocan ah ay wax badan kusoo kordhinayaan aqoonta iyo xirfadda waaxaha isaga oo ku booriyay kaqeygalayaasha in ay ka faa’idaystaan tababarka kadibna laga arko shaqada.
Mas’uuliyiinta kale ee tababarka soo booqatay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Hesiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan, waxaa isna kormeer ku yimid Jim Haggerty oo ka tirsan safaaradda UK ee Soomaaliya, oo iyadu tababarka fududaysay.