Agaasimaha Guud oo tababar usoo xiray waaxda Warfaafinta

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Aidarus M Hassan ayaa maanta waxaa uu usoo xiray waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka ee wasaaradda tababar afar maalin ahaa, oo la xiriiray istaraatiijiyadda warbaahinta (strategic communications).
Tababarkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen waaxaha warbaahinta ee qaar ka tirsan Wasaaradaha XFS iyo hay’adaha kale dowladda ayaa khudbaddiisa koobneyd ee Agaasime Aidarus M Hassan waxaa uu ugu horreyn u mahadceliyay safaaradda UK ee Soomaaliya oo tababarka fududaysay iyo bareyaashii casharrada bixiyay ee Cabdi Baaruud iyo Maxamed Cumar Xuseen isaga oo kaqeybgalayaasha kula dardaarmay dhaqangelinta cilmigii iyo halabuurkii ay korarsadeen, waxaa uuna intaa ku daray sida Wasaaradda iyo hoggaankeedaba ay uga go’antahay tayaynta aqoonta guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda.
Ugu dambeyntii, agaasimaha guud ee Wasaaradda Aidarus M Hassan ayaa qeybiyey shahaadooyinka tababarka, waxaa kale oo goobjoog ka ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta Bahjo Maxamed Xiiray iyo macallimiinta.