- September 1, 2022
- Posted by: Abdiaziz Gurbiye
- Categories: Banaadir, Wararka
No Comments
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay wakiilo heer sare ah oo ka socda safaaradda Norway ee Soomaaliya.
Wakiilada ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya waxaa hogaaminayay Madaxa Safaarada Mr. Haakon Svane, kulanka waxaa looga wada hadlay Arrimaha Xasilinta, Dib-uheshiisiinta iyo Barnaamijyada horumarinta ee Dowlada Norway ay ka wado Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda Norway ka qaadatay Arrimaha Xasilinta iyo Dib-uheshiisiinta,dhismayaasha dawladaha hoose isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada Norway.