Agaasime Waaxeedyada

Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda
Cabdicasiis Axmed Maxamed (Gurbiye)

Agaasimaha Waaxda xiriirka iyo Warbaahinta waa Cabdicasiis Axmed Maxamed (Gurbiye), takhasus ahaan waxaa uu heystaa labo shahaado oo ah heerka kowaad ee Jaamacadda, midda hore waa Warbaahinta halka Bachelorta 2-aad uu ka heysto Xiriirka Caalamiga iyo Diblomaasiyadda, sidoo kale hadda wuxuu u sharaxanyahay Masterka Xiriirka Caalamiga iyo Diblomaasiyadda.

 

Agaasimaha oo wax ku bartay Masar, Kenya iyo Soomaaliya waxaa kale uu diyaariyay dibloomooyin sare oo ah dhanka Public Relation, community development iyo English ah.

 

Agaasime Cabdicasiis, Dhanka Khibradda shaqo, waxa uu in ka badan 20 sano ka shaqeynayay warbaahinta Soomaalida iyo kuwa caalamka, isaga oo soo maamulay Wargeysyo, Idaacado iyo TV kala duwan, sidoo kale waa qoraa.

 

Waxa uu milkiile iyo Tifaftire ka ahaa Wargeyska Muqdisho kasoo bixi jiray Afrika (2001), isaga oo sidoo kale milkiile iyo Tifaftire ka ahaa Wargeysada Midnimo oo 2005-tii Qaahira kasoo bixi jiray iyo Wargeyska Safiir oo 2007 kasoo bixi jiray Nairobi.

 

Agaasime Cabdicasiis waxa uu 9 sano (2014-2022) ahaa Agaasime kuxigeenka guud iyo Tifaftiraha guud ee Warbaahinta Goobjoog Media Group.

 

Waxa kale oo wakiil wareedka Geeska Afrika u noqday TV-ga Al Aan ee Dubai, waxaa intaa u dheer latalin xagga warbaahinta ah kula shaqeeyay hey’ado kala duwan oo maxali iyo caalami ah.

 

August 2022-kii ayuu kusoo biiray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, wixii ka horreysay bartimihii December 2023 wuxuu kula shaqeynayay qaab lataliye Xiriirka iyo Warbaahinta ah. December 18, 2023-kii ayaa loo magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta ee Wasaaradda.

Jamaal Yuusuf Xasan

Jamaal Yuusuf Xasan, waa agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda, waxaa uu leeyahay khibrad 8 sano xagga qorsheynta maaliyadda, xisaabaadka, dejinta miisaaniyadaha,  hagaajinta akoonnada, diyaarinta warbixinnada qorsheynta maaliyadeed iyo iibka Adeegyada iyo  Agabyada ah.

 

Agaasime Jamaal Xasan waxaa uu shahaado jaamacadeed oo heerka 2-aad ka heystaa Maamulka iyo Maareynta (MBA) iyo heera 1-aad ka oo ah xisaabaadka iyo maalgelinta ganacsiga.

 

Agaasimuhu waxa uu wasaaradda kala soo shaqeeyay dhanka Maamulka Maaliyadda laga soo bilaabo 2014 ilaa Feberaayo 2021 asagoo ahaa khabiir Maaliyadeed ee Mashruuca Taageerada Xasilinta (S2S). 2021 ilaa hadda waa Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda, waxa uuna horumar fiican ka sameeyay howlaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda.

 

Agaasime Jamaal waxaa uu CIPFA ka haystaa shahaaddo la xiriirta maaliyadda guud iyo xisaabaadka heerka 1-aad, isaga oo sidoo kale xubin Ardaynimo ka ah Ururka Xisaabaadka ee ACCA.

Cabdiraxmaan Shariif Cali 

Waaxda tiknoolajiyada iyo adeegga dhijitaalka ah, waxaa Agaasime kah Cabdiraxmaan Shariif Cali  wuxuuna  leeyahay khibrad 9 sano ah  oo dhanka Tiknoolojiyadda.

Waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda BCS ka qaatay Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee Jamhuriya.

Hadana wuxuu diyaarinayaa Master ku saabsan Data Science iyo Machine Learning

Dhanka Khibradda shaqo, waxa uu leeyahay 9 sano  oo ku saabsan (ICT) iyo hoggaaminta waxaa ka mid ah Maamul Wanaagga iyo Diblomaasiyadda, Sayniska Xogta, cyber securitiga, Artificial intelligence (Ai), Data Science.

2018 July – 2020 July: Intii uu ku guda jiray tababarka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Cabdiraxmaan wuxuu xalliyay dhibaatooyinka software-ka iyo hardware-ka, sidoo kale wuxuu ku guuleystey inuu beddelo nidaamka gacanta (manual system) oo u beddelo nidaamka elektaroonigga ah, sidoo kale wuxuu door muhiim leh ka ciyaaray sameynta software-ka oo u oggolaanaya in la diwaangeliyo aqoonsiga shaqaalaha si loo xaqiijiyo aqoonsigooda. iyada oo la isticmaalayo diiwaangelinta biometric, maaraynta dukumiintiga kaydka kaas oo u oggolaanaya wasaaradda in ay kaydiso/bixiso dukumiintiyada

2020- 2021 Wuxuu noqday Madaxa Farsama yaqaanada IT-ga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib-u-heshiisiinta waaxda Xiriirka & Warbaahinta.

2021 – 2023 sidoo kale wuxuu ahaa madaxa shaqaalaha ICT-ga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Waaxda Isgaarsiinta & Warbaahinta,

Wuxuu Naqshadeeyey sumadda (Logo) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib-u-heshiisiinta. (MoIFAR) sidoo kale waxa uu sameeyay e-MoIFAR website https://emoifar.gov.so Oo loogu talagalay

Wuxuu si mutadawacnimo ah dhanka Tiknoolojiyadda ula shaqeeyey Bulshada Soomaaliyeed ee Ilaalinta Badda 2022 – ilaa inta la ogyahay He Designed SSMC logo iyo website https://ssmc.org.so

Sidoo kale wuxuu si mutadawac nimo ah uga qeyb qaataa tababarka dabaasha oo loosameeyo dhalinta barata culuumta badaha ee ku nool Somalia waxaana tababarkaas bixiya kooxda Bah-dabaalato oo ah koox dhalinyaro ah oo mudo 7 sano ah ka shaqeynayey

Cabdifitaah Nuur Axmed

Cabdifitaah Nuur Axmed, waa agaasimaha waaxda shaqada iyo horumarinta shaqaalaha, waxaa uu leeyahay khibrad 14 sano xagga arrimaha bini’aadanimada , maareeynta qeeyraadka Adanaha, maareeynta mashaariicda, horumarinta shaqaalaha, kaydinta macluumadka, uruurinta xogta, kormerka iyo qiimeeynta, diyaarinta mushaaraadka , maamulka iyo maareeynta, hogaaminta

 

Agaasime Cabdifitaah Nuur waxaa uu shahaado jaamacadeed oo heerka 2-aad ka heystaa xiriirka caalamiga iyo diblomaasiyada iyo heerka 1-aad ka oo ah cilmiga horumarinta kana soo baxay jaamacada Mount Kenya university, Nairobi campus

 

Agaasimuhu waxa uu wasaaradda kala soo shaqeeyay dhanka Maamulka shaqaalaha laga soo bilaabo 2017 asagoo ahaa khabiir la soo shaqeeyay hayadaha caalamiga iyo kuwa qaramada midoobey waxa uuna horumar fiican ka sameeyay howlaha Waaxda ilaa uu haatan agaasime ka noqday

 

Agaasime Cabdifitaah waxa uu heeystaa shahaadooyin qibradeed iyo kuwa Tababarka Oo Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba ah

Abshir Macalim Maxamed

Waaxda Aarkifiyada waxaa agaasime ka ah Abshir Macalin Maxamed (Dhiblawe), oo khabiir ku ah Darasaadka Horumarinta iyo Maamulka. Waxaa uu heystaa khibrad shaqo ah oo in ka badan 9 sano uu u adeegayey dowladnimada, isaga oo wax badan kasoo qabtay arrimaha xalinta khilafaadka iyo dib u heshisiinta, Federaalka, Xiriirka iyo Warbaahinta , Nabadda Dhiska ,Maamul wanaaga iyo arrimo kale.

 

 

Xilalka uu kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshisiinta waxaa ka mid ah Madaxa qaybta Mac-hadka Nabada Agaasimaha Waaxda Federaalka iyo Xiriirka Dowlad goboleedyada ,Agaasimaha Waaxda Xiriirka & Warbaahinta iyo Agaasimaha waaxda Aarkifiyada oo hada uu hayo.

 

Sidoo kale waxaa uu kasoo shaqeeyay hay’adda Eye for horn of Africa ee qaybta Soomaaliya waxaa uuna kasoo noqday Isuduwaha mashariicda.

 

Agaasime Abshir Macalin, waxa uu uu haystaa shahaadada Master Development Studies uu ka qaatay Jaamacadda Caalamiga ah Daffodil, Bachelor Public Administration, iyo Diploma dhanka Statisikada iyo Cilmi baarista iyo mid kale kormeerka & qiimeynta iyo kuwo kale.

Yaxye Cumar Xirsi

 Yaxye Cumar Xirsi, Waa Agaasimaha waaxda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, agaasime Yaxye wuxuu 17 sano ka soo shaqeynaayey Wasaaraddaan, khibradna u leh qorshaynta, dhismaha dowladaha hoose, maamul daadejinta iyo horumarinta reer miyiga, dowlad wanaaga, maareynta xafiisyada, xallinta khilaafaadka, iyo tayaynta.

 

Waxa uu soo noqday Madaxa Qaybta Dowladaha Hoose, Agaasimaha Axsaabta Siyaasadda iyo Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Madaxa Uruurinta codsiyada iyo CV-yada ee musharaxiinta xubnaha Guddiyada Madaxa Bannaan ee Soomaaliya (Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka & Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka).

 

Agaasime Yaxye  waxa uu haystaa shahaadooyinka heerka 1-aad ee Maamulka Ganacsiga Jaamacadda Indian Ocean University iyo heerka 2-aad ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga Jaamacadda SIMAD/Open University Malaysia.

 

Agaasimuhu wuxuu ka qayb galay koorsooyin ​​xirfadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo tababaro ah oo ku saabsanaa Xadaynta Xuduudaha iyo Geedi-socodka Federaalka, Maareynta Doorashooyinka, Hawlaha Dowladaha Hoose, Xoojinta Hannaanka Dimuqraadiyadda, Maamul Wanaagga, iyo Maareynta Shaqaalaha.

Cabdinaasir Xaaji Maxamed

Waaxda Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa Agaasime ka ah Cabdinaasir Xaaji Maxamed, waxaa uu heystaa  in ka badan 35 sano khibrad u leh arrimaha udub dhexaad u ah Federaalka, Dib-u-heshiisiinta, Doorashada Dadweynaha, Maamulka Ganacsiga, iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda, isaga oo sidoo kale ahaa lataliye.

 

Agaasimaha waxa uu shahaado heerka labaad ee jaamacada ka haystaa xiriirka Caalamiga iyo Diblomaasiyadda, waxaa uu ku dhawaad 10 sano daraasaado badan ka sameeyaya arrimaha la xiriira Nidaamka Dowladaha (Governmental Systems) gaar ahaan nidaamka Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Doorashooyinka.

Muse Abshir Cabdi

Waaxda arrimaha bulshada waxaa agaasime ka ah Md. Muuse Abshir Cabdi, waxaa uuna ka tirsan yahay khubarada wasaaradda arrimaha gudaha, , isaga oo ka shaqeynayey wasaaradda muddo 43 sano ah, waxaa kale oo aqoon u leeyahay  sameynta miisaaniyadda dowlaha hoose, dhismaha dowlad goboleedyada, doorashooyinka.

 

Wasaaraddan, marka laga soo tago waaxdan, waxaa uu agaasime kasoo noqday waaxyaha maamulka, dib u heshiisiinta, lajo jeer oo arrimaha bulshada ah, waxaa kale uu soo noqday Isku duwaha dowlaha hoose ee Shabeellaha, iyo agaasimaha waaxda canshuurdaha qeybta bari.

Maxamed Mumin Sugow

Waaxda diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kormeerka waxaa agaasime ka ah Maxamed Mumin Sugow takhasus ahaan waxa uu heystaa labo shahaado oo ah heerka kowaad ee Jaamacadda, midda hore waa Information Technology (IT) halka Bachelorta 2-aad uu ka heysto Maamulka iyo maareynta, sidoo kale hadda wuxuu u sharaxanyahay Masterka Xiriirka Caalamiga iyo Diblomaasiyadda.

 

Agaasime Mohamed, Dhanka Khibradda shaqo, waxa uu in ka badan 9 sano uu u adeegayey dowladnimada iyo  hay’adaha caalamiga

 

Agaasimuhu waxa uu wasaaradda kala soo shaqeeyay dhanka arrimaha  bulshada, dib u heshisiinta iyo diiwaangelinta madaniga

 

Sidoo kale dhanka hay’adaha caalamiga waxa kala shaqeeye howlaha bani aadanimada ,waxbarashada ,tababarada ,isbadalka cimilada , hormarinta xirfaha

 

Agaasime Mohamed waxa uu heeystaa shahaadooyin qibradeed iyo kuwa Tababarka Oo Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba ah.

Cabdiqani Maxamed Wehliye

Waaxda diiwaangelinta madaniga ah waxaa agaasime ka ah Cabdiqani Maxamed Weheliye, oo khabiir ku ah software-ka iyo nidaamka asteynta juquraafiga ah. Waxaa uu heystaa khibrad shaqo ah oo in ka badan 10 sano uu u adeegayey dowladnimada, isaga oo wax badan kasoo qabtay arrimaha dib u dhiska diiwaangelinta madaniga ah, nidaamka tirakoobka, xuduudaha federaalka ah iyo arrimo kale.

 

Agaasimaha wuxuu kasoo baxay  kuliyadda Computer Software Development and Automation Systems ee Jaamacadda Belgorod State Technological University.

Yaxye Cumar Xersi

Waaxda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, waxaa agaasime ka ah Yaxye Cumar Xersi, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha qorshaynta, maamulka deegaanka, siyaasadda iyo qaab-dhismeedka, maamul-daadejinta iyo horumarinta reer miyiga, maamulka suuban, maaraynta xafiisyada, xallinta khilaafaadka, iyo tayaynta, waxaa uuna jaamacadaha heerka 1-aad iyo 2-aad ka heystaa cilmiga maamulka iyo maareynta.

 

 

Agaasime Cumar waxaa uu heystaa wax ka badan 15 sano oo khibrad, wuxuuna soo noqday Madaxa Kooxda Codsadaha iyo CV-yada guddiyada Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka & Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Cabdifitaax Cali Xasan

Cabdifitaax Cali Xasan, waa Agaasimaha Guud ee Machadka Qaran ee Dowladdaha Hoose  ee hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MoIFAR). Agaasimaha Guud ayaa 15 sano ka badan ka shaqeynayay federaalaynta, dib-u-heshiisiinta, maamul-daadejinta, horumarinta bulshada, xeeladaha kobaca dhaqaalaha, iyo ka shaqeynta Amniga iyo badqabka magaalooyinka.

 

Cabdifitaax oo caan ku ah kartida uu u leeyahay in uu aragtida u beddelo ficil, Cabdifitaax waa tababarre, lataliye, iyo xiriiriye xirfad leh. Xirfadahiisa cajiibka ah waxaa ka mid ah doorkiisa hoggaamineed ee qaybaha hey’adaha dowladda, dadweynaha iyo kuwa gaarka ah, laga bilaabo Agaasimaha Guud ilaa Maareeyaha Mashruuca. Wuxuu si joogto ah u muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarka guud ee dalka.

 

Cabdifataax waxa uu shahaadada Master-ka ee Maamulka iyo Maareynta ka qaatay Jaamacadda Open University Malaysia, isaga oo ku qalabaysan xirfadaha istiraatijiyadeed iyo hoggaamineed ee lagama maarmaanka u ah in uu ka gudbo caqabadaha adag ee maamulka dowladaha hoose. Dadaalkiisa hagar la’aanta ah ee uu ugu huray horumarinta bulshada ayaa ka dhigaysa hanti dhab ah ay Soomaaliya leedahay.

Cabdiraxmaan Xaashi Faarah

Waxa uu Agaasime ka yahay Waaxda Dib u Hishiinsiinta,  waxaa uu leeyahay khibar la xiriirta dhismaha nabadda iyo daraasaadka horumarinta iyo hoggaaminta.

 

Agaasime Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, wuxuu shahaado jaamacadeed heerka 1-aad ka heysta waxbarashada, isaga oo shahaadada 2aad ka wada arimaha xallinta khilaafaadka iyo dib u heshisiinta  wuxuu kalo  ka qeyb galay tababaro xirfadeed iyo siminaaro lagu baranayay dib u dhiska iyo horumarinta colaadaha kadib, nabadeynta, maamulka iyo maareynta iyo sidoo kale maamul wanaaga.

Mukhtaar Jaamac Sugaal

Agaasimaha waaxda xalka waara, waa Mudane Mukhtaar Jaamac Sugaal, waxaa uu heystaa khibar 12 sano ah oo nidaamka dowliga ah, waxaa horay ugaso Shaqeeyey Agaasinka Department of Commission’s Support, Local Government Administration, lataliye saree ee Qorsheynta iyo hey’ado kale oo local ah.

 

Waxaa jaamacadda heerka 2-aad ka heystaa Peace Governance and Development, isaga oo heerka 1-aad ee jaamacadda ku diyaariyey maamulka iyo maareynta.

Xanafi Cabdi Cali

Waaxda Hay’Adaha Aan Dowliga Ahayn waxaa agaasime ka ah Xanafi Cabdi Cali, tan iyo 2014-kii, waxaa uu wasaaradda kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan sida agaasimaha horumarinta reer miyiga, agaasimaha waaxda dowladaha hoose, maxdaxa saadka ee wasaaradda, maaliyadda.

 

Agaasime Xanafi waxaa uu maamulka iyo maareynta uga baxay jaamacadda SIMAD, waxaa uuna shahaadooyin kale ka heystaa macaahid caalami ah.

Bahja Maxamed Xiirey

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Tababarada, iyo Kormeerka, Marwo Baxjo Maxamed Xiirey, waxaa ay aqoon fiican u leedahay diinta Islaamka iyada oo soo baratay, kana qeybgashay siminaaro badan oo la xiriira.

 

Agaasmise Bahjo waxaa ay wax kusoo baratay Jaamacado kala duwan sida Madinah international University Malaysia iyo Universiti Teknologi Mara.