Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta

Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta

Waaxda Xiriirka iyo Warbaahinta waa mid ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ayna masuul ka tahay dhammaan howlaha la xiriira, xirirka iyo warbaahinta ee wasaaradda gaar ahaan howlaha soo socda:-
1. Diyaarinta qorshaha hormarinta arrimaha xiriirka iyo warbaahinta wasaaradda.
2. Bixinta iyo fududaynta adeegyada wasaarada ayadoo howsha ay si gaar ah u qabanayso qaybta Arkifiyada.
3. Qabashada iyo Sumadaynta dhammaan waraaqaha ka baxa wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta.
4. Baahinta siyaasadaha wasaaradda ee ku aadan barnaamijyada hortabinta u leh wasaaradda.
5. Kor u qaadista xiriirka u dhaxeeya wasaaradda, hay’addaha kale ee dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.
6. Diyaarinta iyo fulinta Hanaan lagu hormarinayo xogta iyo fariimaha wasaaradda.
7. Tababarka, iyo kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ee la xiriirta xog wadaaga.
8. Soo jeedinta hindisayaal lagu hormarinayo arrimaha ku wajahan gudbinta fariimaha wasaaradda sida dib u heshisiinta iyo fadaraalaynta.
9. Diyaarinta iyo faafinta xogta wasaaradda ee ka soo baxday shaqada iyo shirarka wasaaradda.
10. Hubinta in aysan bixin xog wasaaraddu leedahay ee aan loogu tala galin dadwaynaha iyo saxaafadda.
11. Ka qayb qaadashada iyo ka talo bixinta arrimaha Dowalaha hoose ,xasilinta dalka,dib u heshisiinta,Federaalaynta Iwm.
12. faafinta fariimo ku aadan nabadda, maamul wanaaga iyo wacyi galinta bulshada qaybaheeda kala duwan ayadoo la adeegsanayo Maqal,Muqaal iyo qoraalo kala duwan.
13. La shaqaynta iyo gacansiinta waaxyahaha kale ee wasaaradda si hab wadajir ah loogu fuliyo xilka iyo waajibaadka guud ee wasaaradda.
14. Keydinta dhammaan Dukumintiyada Muhiimka ah oo ay leedahay Wasaaradda Arrimah Gudaha.
15. Diyaarinta Shahaadooyinka, Warsaxaafadeedyada, Digreetooyinka iyo Shirarka Jaraaid ee ka baxaya Wasaaradda.
16. Diyaarinta iyo samaynta boorarka ,logos ,naqshadaynta iyo daabacaada ayadoo waaxdda isticmaalayso qaybta ICT ee waaxdda.
17. sameynta cinwaanada internet-ka Dowlada sida Emails Rasmiga ah Gov.so.
18. Waaxda Xiriirka waxaa ay masuul ka tahay u yeerista TV,Raadiyaha, Wargeysyada iyo noocyada kale ee warbaahinta,Sidoo kale waxay waaxdu mas’uul ka tahay wax kasta oo xiriir ah iyo dhammaan xiriir kasta oo lala yeesho suxufiyiinta iyo wakiillada warbaahinta ee ka shaqeeya Dal iyo Dibada.

Shaqada:
1. Maamulidda qeybta warbaahinta ee dhammaan munaasabadaha, kulammada iyo shirarka ay ka qabato ama ay qeyb ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
2. La socodka iyo tabinta falcelinta kulamada iyo munaasabadaha kadib.
3. Qoriska war saxaafadeedyada, war murtiyeedyada iyo arrimaha la xiriira.
4. Qoriska khudbadaha hoggaanka wasaaradda, oo ay ugu horreeyaan wasiirrada iyo agaasimaha guud.
5. Naqshadeynta muuqa dadweynaha lagu gaari lahaa sida astaamaha, boorarka, xayeysiiska tabeelayaasha, sameynta kalandarada, bug yaraha iyo dhammaan noocyada kala duwan ee isgaarsiinta daabacan, oo ay ku jiraan flyers iyo brochureska.
6. Ururinta warar, waxbixinnada iyo dhammaan arrimaha baahinda u baahan, tifaftirkooda, kadib ku baahinta baraha bulshada ee wasaaradda iyo u qeybinta hey’adaha warbaahinta.
7. Duubista, baahinta iyo keydinta dhammaan wararka, warbixinnada, kulamada wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
8. Maamulidda Website-ka wasaaradda arrimaha gudaha iyo hey’adaha la mid ah.
9. Sawir qaadista iyo arrimaha la xiriira muuqaal jarjarista oo halabuur leh.
10. Hagidda rayucaamka ee ku aaddan shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta. .
11. Howlaha la xiriira luqadda sida Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.
12. Talo-bixinta maamulidda xafladaha iyo kulamada. .
13. Xiriirka beesha caalamka.
14. Arrimaha la xiriira Outreach-ka
15. Xiriirka dadweynaha iyo muuqaal wanaagga wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
16. Adkeynta xiriirka wasaaradda iyo warbaahinta
17. Adkeynta xiriirka wasaaradda iyo hey’adaha ologga la ah ee maamul goboleedyada iyo saxiibada beesha caalamka.
18. Maamulidda dhibaatada soo wajaha wasaaradda, gaar ahaan kuwa khuseeya muuqaalka wasaaradda ee warbaahinta.