Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa ay ka mid aheyd lixdii Wasaarad ee lagu bilaabay xilligii maamulka Daakhiliyadda 1956-dii.
Xorriyaddii kadib, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa lagu dhisay sharciga la baxay “Ordinamendo governo” kaas oo soo baxay Juunyo 3, 1962.
Waxaa xusid mudan in shaqadeeda la badalay 1977-1984, iyada oo laga dhigay wasaaradda Dowlaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga balse waxaa lasoo celiyey magacii hore 1984-tii kadib markii la dhaqan geliyey sharciga lambar 30 ee soo baxay 30.07.1984, waxaa shaqada Wasaaradda ee sharcigaas ku xusnaa sidan:
- Howlaha habeynta iyo horumarinta maamulka gobollada iyo degmooyinka.
- Horumarinta nolosha bulshada reer miyiga ah.
- Kormeerka iyo ilaalinta howlqabadka dowladaha hoose iyo hey’adaha kale ee gobollada iyo degmooyinka.
- Ilaalinta sugidda nabadgalaya iyo xasiloonida guud ee dalka gudahiisa.
- Taakuleynta ciidamada ka difaaca qaranka weerarada dibadda.
- Maamulka jinsiyadda
- Kormeerka iyo ilaalinta xabsiyada dalka.
Waxaa Hoos Iman Jiray:
- Maamulka iyo degmooyinka dalka marka laga reebo gobolka Banaadir.
- Ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
- Nabad sugidda.
- Ciidanka asluubta.
Hadda, Soomaaliya waa dal federaal ah, iyada oo lagu shaqeeyo dastuur KMG ah oo la ansixiyey August 1, 2012-kii.
Wasaaradda magaceedu waa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta, howlaha loo xirsaaray waxaa ka mid ah:
- Hirgalinta hannaan Federaal ah oo shuruucdiisa u dhameystiran tahay.
- Dhisidda Goleyaasha Deegaanka, horumarinta Dowladaha Hoose iyo tayaynta Golayaasha deegaanka.
- Hogaaminta wadaxaajoodyada, dib-uheshiinta, xalinta qilaafaadka bulshada iyo midda siyaasadeed.
- Dhameystirka Dowlad Goboleedyada, Maqaamka Muqdisho, Xadaynta Soohdimaha, iyo Shuruucda la xiriirta.
- Kobcinta xiriirka Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka
- Ruqsad-siinta Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kormeerka wax qabadkooda
- Maaraynta, nidaaminta, dib usoo celinta/dib u dajinta, u helida xal waara qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed.
- Samaynta iyo fulinta Qorshaha Xasilinta Dalka.
- Qorshaynta iyo Fulinta Hanaanka Xiriirka Wargelinta Bulshada.
- Horumarinta dimuquraadiyadaynta dalka.
- Horumarinta iyo tirakoobka reer miyiga guud ee dalka.
- Taakuleynta iyo taageridda hay’adaha qaran ee madaxa bannaan ee hoos yimaada Wasaaradda.
- Xoojinta xiriirka & iskaashi u dhaxeeyo Wasaaradda iyo Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee shaqo wadaagga la ah Wasaaradda.
- Awoodaynta waaxyaha wasaarada iyo hay’adaha/maamulada hoos yimaada wasaaradda si ay u hirgaliso shaqada loo igmaday.
- Diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo dib-u-eegista sharciyadii hore ee la xiriira wajibaadka Wasaaradda.
- Abaabulka shacabka, abaalmarinta shaqsiyaadka iyo gudiyadda madaxa banaan ee Dalka u qabta shaqo qiimo gaar ah u leh Dalka iyo Dadka.
- Dhameystirka sharuucda Jinsiyada iyo xal u helida Jinsiyad-laaweyaasha.
- Hirgelinta nidaamka diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga dadweynaha.