- March 4, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 04 Mar 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa guddoomiyey kulanka 2-aad ee guddiga sare ee mashruuca SINNAAN.
Kulanka gudiga sare ee mashruuca SINNAAN ayaa lagu soo bandhigay guulihii laga gaaray iyada sidoo kale warbixinnada hortabinnabada iyo qorshaha sanadka 2026.
Mashruuca SINAAN ujeedadiisu guud waa: Magaalooyinka Soomaaliyeed oo adkaysi u leh isbeddelka cimilada si wanaagsanna u diyaarsan si ay uga jawaabaan baahiyaha dadweynaha, ugana faa’iidaystaan fursadaha magaaloobidda, isla markaana ay u abuuraan fursado horumarineed oo cagaaran oo gacan ka geysta yaraynta saboolnimada iyo xasillinta dalka.














