wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyey Kulanka Guddiga Sare Ee Mashruuca SRSP

Muqdisho 23 Jan 2026; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca SRSP oo ah kulan istaraatiiji ah oo diiradda lagu saarayo jihaynta siyaasadeed, xoojinta iskaashiga iyo isku-xirnaanta Hay’adaha Dowladda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hay’adda NIRA, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedyada iyo mas’uuliyiin ka socday Gobolka Banaadir iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ayey guddiga mashruuca ku xaqiijiyeen hirgelinta mashruuc ku dhisan wada-jir, mas’uuliyad-wadareed, iyo is-waafajin siyaasadeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda barnaamijkaan isaga oo xusay in madashaan ka tarjumeyso aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dowladnimo waarta, wada shaqeyn wanaagsan leh, oo si buuxda ugu adeegta shacabka Soomaaliyeed isaga oo u mahadceliyey UNDP iyo saxiibada caalamiga ah taageerada joogtada ah iyo door muhiim ah ka qaadatay horumarinta hay’adaha dowladda iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca SRSP ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta Iskaashiga, Isku xirnaanta Hay’adaha Dowladda heerarkeeda kala duwan iyo awoodsiintooda daadejinta adeegyada si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeeg hufan oo wax ku ool ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay hirgalinta Qorshaha 2026 iyo in la hubiyo in mashruuca uu noqdo si buuxda ula jaanqaadayo Qorshaha DFS.