Agaasimaha Guud Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya (SSF)

Muqdisho 03 Jan 2026; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul)  ayaa kulan la qaatay hoggaanka sanduuqa Xasillinta Soomaaliya (SSF) iyada oo laga hadlay xoojinta iskaashiga hortabinnada Wasaaradda ee dowlad-dhiska, dedaallada Xasillinta, howlaha Dib u heshiisiinta iyo horumarinta dowladaha hoose.
Labada dhinac ayaa si gaar ah u adkeeyey mideynta iyo is-waafajinta dedaallada iyo in ay ka go’antahay ka wadashaqeynta hindiseyaal lagu hormarinayo hey’ad-dhiska, dhiirigelinta nabadda. kaqeybgal loo dhanyahay iyo hirgelinta hanaan xalwaara loogu helayo caqabadaha heysta heerarka kala duwan ee dowladda.