Agaasimaha Guud Oo qaabilay hoggaanka mashruuca SRSP

Muqdisho 28 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa qaabilay hoggaanka mashruuca SRSP kaasi oo ka tirsan barnaamijyada hey’adda UNDP.
Arrimaha laga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; Heerka uu marayo hirgelinta barnaamijka, horumarrada laga gaaray iyo hababka qorshaha 2026.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa isdul istaagay ahmiyadda mashruuca isaga oo adkeeyey taageeridda hirgelintiisa iyada oo la eegayo mudnaanta iyo hortabinnada dowladda Soomaaliya.