- January 28, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 28 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa la kulmay mas’uulka safaaradda Jarmalka ee Barnaamijka Xasillinta mudane Simon Becker.
Labada dhinac ayaa adkeeyey ka wadashaqeynta howlaha lagu taageerayo Xasillinta deegaannada laga xoreeyey cadowga Khawaarijta, hirgelinta gargaarka xilliyada hore iyo barnaamijyo lagu hormarinayo bulshooyinka nugul. Waxaa kale la isla gartay waafejinta Barnaamijyada Xasillinta hortabinnada qaranka Soomaaliya si loo helo nabadwaarta iyo horumar.





