Agaasimaha Guud Oo Kulan La Qaatay Kuxigeenka Ergeyga Gaarka Ah Ee Xogheyaha Guud Ee Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

Muqdisho 28 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul)  ayaa kulan la qaatay Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane George Conway oo uu wehliyo mudane  Peter oo ka socday sanduuqa wadajirka ah.
Kulanka waxaa looga hadlay adkeynta xiriirka iyo wadashaqeynta hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda iyo taageeridda qorsheyaasha Wasaaradda taasi oo muhiim u ah hiigsiga dowlad-dhiska iyo helidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.