Agaasimaha Cabdul Oo Kulan La Qaatay Waaxda Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadweynaha

Muqdisho 27 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul)  ayaa kulan la qaatay Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda kaas oo diiradda lagu saaray qorshayaal lagu xoojinayo waxsoo-saarka waaxda, tayeynta shaqada, wararka & farriimaha, isla xisaabtanka iyo muhiimadda ay leedahay hufnaanta xogsiinta dadweynaha.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey isku-duwidda hawlaha wacyigelinta si Wasaaraddu ay xiriir dhow oo ku ool ah ula yeelato bulshooyinka iyo daneeyayaasha dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdul ayaa xusay muhiimadda & sida Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha lafdhabar ugu tahay baahinta howlaha Wasaaradda, isagoo adkeeyey baahida loo qabo horumarinta istaraatiijiyadda shaqo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu fududaato la socodka mudnaanta, himilooyinka, ajendeyaasha iyo qorshaha shaqo ee waaxyaha kala duwan iyo guud ahaan Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.