Agaasimaha Guud Oo kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka IOM

Muqdisho 26 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan Miro-dhal ah la qaatay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka IOM xafiiskeeda Soomaaliya mudane Manuel Marques Pereira.
Kulankan waxaa la isdultaagay; xoojinta iskaashiga dhinacyada badan ee hortabinta leh sida; Xasillinta, Dad-dhigista & diiwaangelinta madaniga ah, Maamulka dowladaha hoose, Xalkawaara, sidoo kale waxaa laga hadlay iskaashi ballaaran ee lagu taageerayo sookabashada, horumarinta kaabayaasha iyo guud ahaan hey’adaha dowladda.